Carta, Jabuuti – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo safar rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa maanta booqday magaalada Carta, oo astaan u ah taariikhda, dib-u-heshiisiinta iyo walaaltinimada shucuubta labada dal.
Magaalada Carta ayaa door muhiim ah ku leh xusuusta iyo sooyaalka ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya.
Intii uu ku sugnaa magaalada, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa booqday Matxafka Taariikhda, oo ay hore xarigga uga jareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti, Taallada Nabadda iyo goobihii ay ka dhaceen dhacdooyinkii muhiimka u ahaa dib-u-dhiska Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Jabuuti taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada la xiriira nabadda, xasilloonida iyo midnimada dalka. Waxa uu si gaar ah mahadnaq ugu jeediyay shacabka reer Carta, oo xusuus gaar ah ku leh dadaalladii dib loogu dhisay dowladnimada Soomaaliyeed.





