Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgallada ka socda Galmudug

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay ka jogaan gobollada Galgaduud iyo Mudug.

 

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan shaqsiyaad diidan in dagaalka looga adkaado Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamey in sharciga lala tiigsan doono.

Sidoo kale, wuxuu boggaadiyay guulaha laga gaaray howlgalladii u dambeeyay ee ka dhacay gobollada dhexe.

Hadalkan ayaa wasiir ku xigeenka warfaafinta wuxuu ka sheegay magaalada Camaara oo todobaadkan ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here