Dowladda Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay bixitaanka Ciidamada ATMIS

0

WASHINGTON (SMN) -Wasiirka Amniga Soomaaliya Dr. Maxamed Axmed (Doodishe) oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa mar kale ka dhawaajiyay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay in dalka amnigiisa ay kala wareegaan Ciidanka ATMIS.

 

Wasiir Doodishe ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay xilligaan qaadi karaan mas’uuliyadda amniga ee dalka, maadaama uu socdo gulufkii ugu dambeeyay ee Shabaab.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dhammaadka sanadkan ay dalka ka bixi doonaan illaa 2,000 oo askari oo ka tirsan howlgalka ATMIS ee Ururka Midowga Afrika.

Dhanka kale, wasiirka ayaa soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in haatan uu marayo meel wanaagsan guullo waa weyna laga gaaray.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here