Wararkii ugu dambeeyay xiisada dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa weli ka taagan xaalad cakiran iyo dagaallo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatuma, waxaana intaas sii dheer duqeymo aan kaala sooc laheyn oo lagu garaacayo bartamaha magaaladaasi oo xarun u ah gobolka Sool.

 

Xiisaddan ayaa soo socotay tan iyo horraantii sanadkan, mana muuqato wax isku soo dhowaansho ah ama tanaasul ay sameynayaan labada dhinac.

Maayirkii hore ee magaalada Laascaanood Maxamed Xaaji Xuseen oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa shaaca ka qaaday in wax wada-hadal ah aysan la geli doonin Somaliland, inta ay ciidankeeda joogaan taako ka mid ah dhulka SSC-Khaatumo.

Maxamed Xaaji Xuseen ayaa ku eedeeyay Somaliland inuu xasuuq ka wado Laascaanood, isla-markaana waxyeelada ugu badan ay duqeymaha kasoo gaarto dadka rayidka ah.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadkii hore madaafiic la sheegay in ciidamada Somaliland ku garaaceen Laascaanood lagu dilay, Allaha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye oo kamid ah hal abuurada caanka ah ee Soonaaliyeed, xilli uu ku sugnaa bartamaha magaalada, waxaana haleelay madfac habow ah oo kula dhacay gaarigiisa.

Waxaa sidoo kale burbur xoogleh oo ka dhashay duqeymaha laga dareemayaa xaafadaha Laascaanood, ayada oo waxyeelada ugu badan ay soo gaartay goobaha caafimaadka, masaajida iyo guryo ay daganaayeen dad shacab ah.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana weli sii socda dhaq dhaqaaqyada ay wadaan Somaliland iyo SSC-Khaatuma, kuwaas oo uu xoogoodu ka socdo bariga magaalada Laascaanood, gaar ahaam dhinaca aagga xerada Goojacadde.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here