Dowladda Soomaaliya oo War Ka Soo Saartay Dagaalka Baydhabo

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada qalabka sida ay waaberigii hore ee saaka ka hortageen weerar ka dhacay magaalada Baydhabo, kaas oo ay ku tilmaantay mid ay soo qaadeen koox ay dowladda ugu yeertay “Huwanta Argagixisada”.

 

Qoraal ay dowladdu soo saartay ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay si adag uga hortageen weerarka, kaas oo sida ay sheegtay ku bilowday qaraxyo loo adeegsaday in shacabka lagu cabsi geliyo.

Dowladdu waxay sheegtay in ciidamada qalabka sida ay jab xooggan gaarsiiyeen maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, balse ma aysan sheegin tirada dhimashada ama dhaawaca soo gaaray dhinacyada dagaalka.

“Waxaa hadda socda qiimeyn lagu xaqiijinayo khasaaraha gaaray maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Dowladdu waxay sheegtay in faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha iyo xaaladda dagaalka lala wadaagi doono shacabka marka la soo gabagabeeyo qiimeynta.

Dagaalka ayaa ka dhacay Baydhabo, oo ah xarunta maamulka Koonfur Galbeed, xilli magaalada ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo u dhaxaysa dowladda federaalka iyo dhinacyada taageersan hoggaankii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Ma cadda weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana wararka ka soo baxaya goobta u baahan yihiin xaqiijin madax-bannaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here