Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay duqeyn ka dhacday Hiiraan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah kasoo bixsay duqeyn xoogan oo xalay ka dhacday qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

 

Duqeynta oo ka dhacday deegaanka Buq-aqable ayaa waxaa lagu beegsaday saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

“Howlgal aad loo qorsheeyay oo lagu laayay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Buq-aqable ee Gobalka Hiiraan” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale warka ayaa intaasi kusii daraya in weerarkan dhanka cirka ah lagu beegsaday kolonyo ay la socdeen xubnaha Al-Shabaab ee lagu duqeeyay halkaasi.

“Howlgalka ayaa lagu beegsaday laba gaari oo ay saarnaayeen Horjoogayaal Khawaarij ah oo aad loo doon doonayay” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa duqeymo xoogan ay ka socdeen gobollada dhexe ee dalka oo ay haatan howlgallo ka wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here