Muqdisho, Soomaaliya – Xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, isla markaana dood xooggan ay ka taagan tahay muddo xileedka dowladda federaalka iyo hannaanka doorasho ee dalka loo wajahayo, ayaa dowladda Turkiga looga digay in ay si toos ah ugu milanto khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dalka ka taagan.
Qoraal uu ku daabacay baraha bulshada, Dr. Maxamed Aadan Koofi oo ka tirsan Madasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, ayaa sheegay in taageero kasta oo shuruud la’aan ah oo la siiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay sii hurin karto xiisadda siyaasadeed ee taagan.
Dr. Koofi ayaa tilmaamay in muddo xileedkii Madaxweynaha lagu doortay uu ku ekaa 15-ka May, halka wax-ka-beddelka dastuurka ee dhawaan ay ansixisay dowladda uu dhigayo in muddo xileedka Madaxweynaha laga dhigay shan sano.
“Waxay xaaladdu ka sii xumaan doontaa marka walaalaha Turkidu ku sii adkaystaan taageerada shaqsi muddo xileedkiisii dhamaaday, kuna sii fadhiya kursiga sifo aan sharci aheyn,” ayuu yiri Dr. Maxamed Aadan Koofi.
Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay dowladda Turkiga oo ah saaxiib dhow oo Soomaaliya la leh xiriir istiraatiiji ah, in ay ilaaliso dhexdhexaadnimadeeda islamarkaana ay taageerto geeddi-socod siyaasadeed oo loo dhan yahay, si looga fogaado xiisado horleh oo dalka ka dhasha.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo ay weli taagan tahay doodda ku saabsan sharciyadda isbeddellada dastuurka iyo nooca doorasho ee Soomaaliya ay qaadan doonto sanadaha soo socda.



