Muqdisho – Qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa banaanbaxyo ka dhigay xaafado ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, iyagoo ka cabanayay barakicin ay dowladda ay ka waddo xaafado ka mid ah degmadaasi.
Dibadbaxayaasha ayaa watay sawirro uu ku yaallay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo qaarkood ay gubeen, halka kuwo kalena ay ku dhawaaqayeen ereyo ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan dowladda iyo tallaabooyinka lagu barakicinta shacabka.
Ciidamada ammaanka ay xiray ku dhawaad 20 dhalinyaro ah oo ka qeyb qaadanayay banaanbaxyada, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamada ay kala eryeen shacabka mudaharaadayay.
DAAWO.



