Duqa magaalada Muqdisho oo qaabbilay wafdi ka socda hay’dda WFP + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda hoose ee Xamar ku qaabbilay Ku-xigeenka Madaxa Hay’adda Barnaamijka Cunnada Aduunka ee WFP Mr; Baimankay Sankaoh iyo wafdi uu hogaaminaayo oo ka tirsan Xafiiska WFP ee Muqdisho.

 

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi gelinta Gobolka Banaadir Mudane; Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa loogu hadlay xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, ilaalinta Raashinka WFP ay bixiso gaar ahaan kuwa quudinta ee loo yaqaan Nutration (Nafaqada) iyo sidii loogu faa’ideysan lahaa mashaariicda cusub ee ay Hay’adda WFP ay ka bilaabeyso Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kaga Mahadceliyay Hey’adda WFP wada-shaqeynta kala dhaxeysa Dowladda hoose ee Xamar, asigoona dhinaca kale hoosta ka xariiqay in Maamulka Gobolka iyo WFP ay ka wada shaqeyn doonaan Mashaariicda Horumarineed ee loogu tala galay in loogu faa’ideeyo Bulshada Caasimadda.

   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here