Ra’iisul wasaare Xamza oo guddoomiyey kulan looga hadlayay amniga Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey dardar-gelinta amniga caasimadda iyo sidii looga feejignaan lahaa weerarada Al-Shabaab.

 

Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in dalku uu ku jira xaalad dagaal oo ka dhan Al-Shabaab, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la sameeyo feejigaan dheeri ah, si looga hortago isku dayada naf-lacaariga ah ee ay ku khal-khal gelinayaan ammaanka caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey hey’adaha amniga sida naf-hurnimada ah ee ay uga hortageen falkii ay maanta Al-Shabaab la damac-sanaayeen in ay ku beegsadaan meelaha ay ku badan yihiin shacabku

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here