Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha waddada Jamhuuriya + Sawirro

0

GAALKACYO (SMN) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha wadda Laami ah oo isku xira Isgoosyada Fagax iyo Xaawa Casir ee Degmada Kaaraan oo lagu dhisi doono iskutashiga dadweynaha Kaaraan iyo barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal dollar.

 

Munaasabada dhagax dhiga dhismaha waddadan waxaa goob Joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, Maamulka degmada, Saraakiil iyo qeybaha bulshada.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tilmaamay in ay sii socon doonan talaabooyinka lagu horumarinayo biicda iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Caasimadda, isaga oo ugu baaqay bulshada in ay jeeb kooda furaan si loogu guuleysto hirgalinta mashaariic hor leh.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here