Ilhaan Cumar oo dil loogu hanjabay kadib markii ay dhaleeceysay Israel

0

WASHINGTON (SMN) – Ilhan Omar, oo katirsan baarlamaanka Mareykanka ayaa sheegtay in khatar amni ay soo wajahday noloshooda iyo midka qoyskeeda kadib markii ay cambaareysay weerarka Israel ee magaaladda Gaza.

 

Wareysi ay siisay NBC News ayay kusoo bandhigtay codad iyo fariimo loo soo diray, oo loogu hanjabayo Ilhan Omar in la dilayo, waxaana khatarta uga imaanaysaa Yahuuda Mareykanka ah iyo kuwa taageera Israel.

Waxay sheegtay Ilhan Omar iyada iyo xildhibaano kale oo Muslim ah si isku mid ah loogu hanjabay kadib markii dhawaan ay qabteen shir jaraa’id oo ku cambaareeyeen xasuuqa Israel kawado Gaza iyo taageerada Biden uu siinayo Israel.

Ilhan Omar ayaa ku eedeysay Biden inuu ka aamusay shacabka Israel guryahooda qabuuraha uga dhigayso, islamarkaana uu ka hadlayo sii daynta muwaadiniinta Mareykanka, taasoo muujinaysa inuusan wax qiima ah siinayn nolosha Falastiiniyiinta ee lagu garaacayo bambaanooyinka halista badan ee Mareykanka Israel siiyay.

“Aaway bini’aadanimadii, sidee kaliya dhibatada Israel u cambaareynaysaa, oo mida Gaza indhaha uga daawanaysaa iyadoo xaafado badan dhulka lala simay, oo meydadka wadooyinka daadsan yihiin. Israel waxay mudo 10 maalmood gudahooda ku duqeysay Gaza bambaanooyin ka badan kuwii Mareykanka hal sano ku riday Afghanistan, halkee kaa aaday naxariista iyo bini’aadanimada oo aadan daryeel u siinaynin nolosha dadka Falastiin, sidee Madaxweynaheena kaliya uga hadlayaa sii deynta la haystiyaasha Mareykanka iyo kuwa Israel, oo uusan marnaba dhahaynin waxaan badbaadinaynaa boqolaalka iyo kumanaanka la xasuuqa, maxaa kaa qaldan?.

Ilhan Omar oo katirsan xisbiga Dimuqraadiga ah ee laga soo doorto gobolka Minnesota, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay la kulantay hadallo Islaam nacayb ah iyo hanjabaadyo loo jeedinayo qoyskeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here