Duqa magaalada Muqdisho oo dhagax dhigay xarun muhiim ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Dhagax-dhigay Xarunta Keydka Talaalka iyo Daawadda ee Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

 

Mashruucaan ayaa qeyb ka ah Qorshaha horumarinta adeegyada Bulshada Gobolka Banaadir, gaar ahaan Caafimaadka, iyadoona xarumahaan ay sahleyso in la helo Keyd Talaal iyo Daawooyin si ay u fududaato adeegyada Caafimaad ee laga fuliyo Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Munaasabadda dhagaxdhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada, Agaasimaha Agaasinka Caafimaadka, Madaxda iyo Howlwadeenada xarumaha Caafimaadka Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal iyo xubno kale.

—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here