Sawirro: Soomaaliya oo ka qayb-gashay shirweynaha Connected Africa

0

NAIROBI (SMN) – Danjiraha safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa ka qayb-galay shirweynaha Caalamiga ah ee “Connected Africa” kaas oo lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Shirkaan ayaa ujeedadiisu ahayd in hoosta looga xariiqo kaalinta muhimka ah ee ICT ama Tiknalojiyaddu ku leedahay kobaca dhaqaalaha iyo horumarka dalalka Afrika.

Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa ka mid ahaa madaxdii iyo aqoonyahanadii khudbadaha ka jeediyay kulankaas,Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa soo bandhigay istiraatijiyadda Dowalada Federalka Soomaaliya ee lagu dardargelinayo horumarinta ICT iyo guud ahaan Tiknaloojiyadda.

Waxa uuna soo hadal qaaday qaab-dhismeedka siyaasadda-sharciga ee lagu horumarinaayo Tiknaloojiyadda, gaarsiinta aaladaha Internetka qofkastaa oo Soomaali ah, ilaalinta xogta iyo sirta qaranka.

Sidoo kale waxaauu diiradda saaray adeegyada ganacsiga sida e-commerce & e-education.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here