Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigay xarun muhiim ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc dhismo oo laga fulin doono Isbitaalka Laasaleeti ee degmada Cabdicasiis, oo kamid ah xarumaha danta guud ee bulshada loogu shaqeeynaayo, iyadoo mashruucan oo noqon doono xarunta Qaran ee gurmadka deg dega ah.

Isbitaalka Laasaleeti ayaa bixin jiray adeegya Caafimaad oo muhiim u ah bulshada Caasimadda, waxa uuna kamid yahay xarumaha taariikhiga ah ee ku yaalla magaalada Muqdisho, inkastoo uu kamid noqday goobihii danta guud ee ku burburay Dagaaladdii dalka ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here