Duqeyn cirka ah oo laga fuliyay deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose

0

Shabeellaha Hoose –Duqeyn cirka ah oo xooggan ayaa laga fuliyey deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose, taas oo lagu bartilmaameedsaday goobo la sheegay in ay Kooxda Al-Shabaab u adeegsan jireen kaydinta hubka iyo agabka qaraxyada.



Duqeynta ayaa waxaa fuliyey saaxiibada caalamka, kaddib markii ay deegaankaasi howlgallo qorsheysan ka sameeyeen ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Goobaha la duqeeyay ayaa la sheegay inay ku jireen bakhaarro lagu kaydinayay hubka, saanadda dagaalka iyo walxaha loo adeegsado diyaarinta qaraxyada, kuwaas oo ay Al-Shabaab u adeegsan jireen fulinta weerarrada.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta ay burbur xooggan u geysatay goobihii la beegsaday, isla markaana khasaaro uu ka dhashay, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin tirada khasaaraha. Howlgalladan ayaa qayb ka ah howlgallada milatari ee ka socda gobolka Shabellaha Hoose, kuwaas oo lagu beegsanayo xarumaha, saanadda iyo awoodda ciidan ee kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here