Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Qaranka ee Dabagalka iyo Qiimeynta Soomaaliya

0

Muqdisho — Ra’iisul Wasaraada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynaha Saddexaad ee Qaranka ee Dabagalka iyo Qiimeeynta Soomaaliya (SNMEC 2026), kaasi oo diiradda saaraya qiimeynta xoojinta isla-xisaabtanka cabbiridda waxqabadka dowladda iyo natiijooyinka laga gaaray qorshayaasha horumarinta dalka.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in qiimeynta qorshayaasha Qaranka ay ku jiraan hirgalinta iyo natiijooyin la taaban karo ee ay u horseedaan bulshada, isaga oo xusay in dowladda looga baahan yahay in ay muujiso waxqabad cad oo lagu xaqiijin karo xog iyo caddeyn. Isaga oo ku booriyay kobaca dhaqaalaha dalka, adeegyada bulshada ee wax laga qabtay, kororka ardayda iyo macallimiinta la shaqaaleysiiyay, ballaarinta xarumaha caafimaadka iyo maalgashiga la hirgaliyay.

“Waxa aan samaynay dariiq cad oo la isku-xisaabiyo oo natiijo lagu soo saaro, kaasi oo Wasaaradaha lagu qiimeeyo, waxaan sii xoojin doonnaa nidaamkaas,Qorshaha Isbeddelka Qaranka, waa in aan xoogga saarno iyo sidii aan u cabiri lahayn qiimaha waxqabadka iyo halbeegga dawladdq”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay dib-u-habeynta hey’adaha dowladda iyo nidaamka isla-xisaabtanka waxqabadka, wuxuunna tilmaamay in Xukuumaddu hirgalisay nidaamka isla-xisaabtanka iyo qiimeynta oo casri ah kaasi caddeynaya habka dabagalka iyo waajibaadka waxqabadka wasaaradaha iyo hey’adaha dowladdan laguna cabbirayo natiijada iyada oo la adeegsanayo nidaamyada la sameeyay ee lagu qiimaynayo hey’ad walba.

Mudane Xamsa, ayaa bogaadiyay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka hirgalinta nidaamka elektaroonigga ah ee e-NIMES, kaasi oo lagu dardargelinayo qiimeynta iyo kormeerka guud ahaan dalka, nidaamkan oo caddeynaya helitaanka xog sax ah oo la- isku halleyn karo, wuxuunna hay’adaha dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada ugu baaqay in ay xogta waxqabadka ku soo gudbiyaan waqtigeeda, halka bahwadaagta horumarinta uu ku boorriyay inay taageeradooda waafajiyaan mudnaanta qaranka iyo nidaamyada dowladda.

Ugu dambayn: Ra’iisul Wasaare Xamsa, waxa uu xusay in cddeynta iyo xogta lagu kalsoonaan karo ay saldhig u yihiin go’aan-qaadashada, qorshaynta miisaaniyadda iyo horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan kobcinta aqoonta iyo khibradda dadka Soomaaliyeed, ka-qaybgalka jaamacadaha, cilmi-baarayaasha iyo dhallinyarada xirfadlayaasha ah.May be an image of dais and the Oval OfficeMay be an image of one or more people, newsroom, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here