Shabeellaha Hoose – Duqeyn diyaaradeed oo lagu qaaday deegaanka Daniga Baalow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu bartilmaameedsaday gaari ay saarnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.
Gaariga ayaa la sheegay inuu waday hub, walxaha qarxa iyo rasaas culus, sida ay sheegtay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA). Lama sheegin tirada dadka lagu dilay ama lagu dhaawacay duqeynta, balse NISA ayaa sheegtay in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.
“Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka, oo ka dhacay deegaanka Daniga Baalow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu beegsaday gaari ay saarnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Gaariga ayaa siday hub iyo qaraxyo, waxaana howlgalka khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay NISA.




