Belgrade – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade ee dalka Serbia, halkaas oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Serbia.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Serbia kulan muhiim ah la qaadan doona dhiggiisa dalkaasi, Mudane Aleksandar Vučić, iyaga oo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada siyaasadda iyo danaha labada geesood ee labada waddan.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa qayb ka ah madaxda ka socota dowladaha caalamka ee lagu casuumay ka qaybgalka Shirka Heerka Sare ah ee lagu xusayo 65-guurada Shirkii Koowaad ee Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn (Non-Aligned Movement), kaas oo lagu qabtay magaalada Belgrade sannadkii 1961-kii.




