Ethiopian airlines oo beenisay inay joojisay isticmaalka Hawada Soomaaliya

0

ADDIS ABABA (SMN) – Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa beenisay warar ay warbaahintu baahisay oo sheegaya inay dib u habeyn ku sameyn doonto duullimaadyada mara hawada Soomaaliya, ee ku wajahan Aasiya.

 

BBC Amxaari waxay sheegtay in shirkadu ay joojisay duullimaadyadii ay ku imaan jirtay Soomaaliya, iyadoo dooratay inay u duusho Jabuuti ka. Shirkaddu waxay ku tilmaantay warkan mid waxba kama jiraan ah.

“Shirkadda Ethiopian Airlines ma joojin duullimaadyada hawada Soomaaliya, isla markaana madaxa shirkadda Ethiopian Airlines ma uusan sheegin in ay ammaan darro tahay duullimaadyada hawada Soomaaliya. Sidaas awgeed, waxaanu ka codsanaynaa BBC-da Amxaarigu inay saxdo warbixinta ay ka soo saartay mawduucan,” ayaa lagu yidhi.

Maqaalka BBC-da oo soo xiganeysa sarkaal sare oo dowlada Itoobiya katirsan ayaa sheegay in go’aanka lagu hakiyay duulimaadka uu ka dhashay dhacdo todobaadkii hore dhacday, iyadoo diyaaradda Ethiopian Airlines oo ka duushay Addis kuna socotay Dubai ay si dirqi ah uga badbaaday inay isku dhacaan diyaaradda Qatar Airways.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyada oo uu jiro khilaaf u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya oo ku saabsanaa heshiis ay dhawaan gaadheen, kaas oo dhigaya in Itoobiya u ogolaato in 20 km agagaarka dekedda Berbera ay ka kirayso ciidamadeeda badda iyo ganacsiga. Taas beddelkeeda, sida ay Somaliland sheegtay, Itoobiya waxay u aqoonsan doontaa dal madax-bannaan. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya oo weli u aragta Somaliland qayb ka mid ah dhulkeeda, ayaa ku adkaysanaysa in heshiiskaas la baabi’iyo.

Xogta laga helay website-ka dabagalka duulimaadka ee FlightRadar24 ayaa tilmaamaysa in duullimaadyadii diyaaradda fiidnimadii Jimcaha ay ka faa’iideysteen hawada Jabuuti, inkastoo ay shirkaddu sii waday isticmaalka hawada Soomaaliya ee duullimaadyada xamuulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here