Faah-faahino kasoo baxaya duqeyn ka dhacday gobolka Jubbada Hoose

0

KISMAAYO (SMN) –  Wararka laga helayo gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in maanta la duqeeyey goobo ay joogeen A-Shabaab oo ku yaalla nawaxiga Tuurdho iyo dagmada Jamaame ee gobolkaasi.

 

Duqaymo xoogan oo aan kala joogsi lahayn ayaa lala eegteye sarakiil ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la soo warinayaa khaasare xoogan, sida ay xogtu shegeyso.

Saraakiil cadaan ah oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la soo warinayaa in halkaasi lagu duqeeyey, sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay dowladda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ay ka socdaan qaybo badan oo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here