Faa-faahino kasoo baxaya weerar qaraxyo ku billowday oo lagu qaaday Balcad

0

BALCAD (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay Al-Shabaab saaka ku qaadeen degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo uu xigay dagaal toos ah.

 

Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo, waxaana lagu beegsaday laba koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Furdug oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dagaalka ay khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, kana dileen 11 xubnood.

“11 Al-Shabaab ah ayaan ku dilnay weerarkii saakay ay ku soo qaadeen degmada Balcad ” ayuu yiri guddoomiye Qaasim.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa halkaasi.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii sidaan oo kale ay Al-Shabaab u weerareen deegaanka Daaru-Nimca ee gobolka Shabeelaha Dhexe, walow dib looga celiyay deegaankaasi oo kamid ah meelihii u dambeeyay ee la xoreeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here