Faah-faahin ku saabsan qarax maanta ka dhacay degmada Buuloburde

0

BUULOBURDE (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax duhurnimadii maanta ka dhacay gudaha degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

 

Qaraxa oo ahaa ismiidaamin ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay suuq lagu iibiyo hilib oo ku yaalla gudaha degmadaasi, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu weeraray degmada Buuloburde.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo howlgallo ka bilaabay halkaasi.

Buuloburde ayaa kamid ah degmooyinka waa weyn ee ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here