Taliyaha Xoogga dalka oo booqasho ugu tegay ciidanka kumaandooska Danab

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Gen, Ibraahin Sheekh Muxudiin, ayaa kormeeray maanta Taliska Guutada 16-aad Ciidanka kumaandooska Danab , isagoona kulan la qaatay Taliyaha Guutada, Taliye Xigeenka Guutada iyo Qaar ka mid kamid ah Taliyeyasha Ururada Guutada 16-aad danab & Saraakiil kale.

 

Ujeedka kulanka ayaa ahaa siddii loo Dardargalin lahaa Hawlgalada ka Dhanka ah Al-Shabaab isagoona Taliyuhu Ku bogaadiyey Ciidanka Danab in ay sii laba jibaaran dagaalka dalka looga xorreynayo Al-Shabaab.

General Ibraahin Sheekh Muxudiin, waxa uu sidoo kale ku booriyay in ay adkeeyaan amaanka guud ee dalka si gaar ah goobaha la kale wareego Al shabaab.

Ciidanka dowladda iyo kuwa deeganka ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaaano badan oo ay ka talinayeen sannadihii ugu dambeeyay.

Kormeerka taliyaha ayaa ku soo aadaya xili uu gebo-gebo marayo wajiga koowaad ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here