Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay arrimo dhowr ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada XFS oo uu guddoominayey  Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa looga hadlay warbixinno la xiriira Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyey Gobolka Hiiraan, diyaar garowga imtixaanka qaranka ee dugsiga sare iyo dhaqan-gelinta nidaaminta bajaajka caasimadda ka howlgala.

 

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey amniga guud iyo xasillinta dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab ee ka socda dalka.

Golaha ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidammadu ka gaareen dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobollada dalka ee dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin la xiriirta Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyey Gobolka Hiiraan, taas oo saameyn xoog leh ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada ku nool deegaannada uu wabigu ku fatahay.

Sidoo kale, Golaha ayaa Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare  ka dhageystay warbixin ku aaddan u diyaar garowga imtixaanka qaran ee dugsiga sare, gaar ahaan fasalka 4aad ee sannad dugsiyeedka 2022-2023.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here