Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay degmada Buurhakaba

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos oo sidoo kale ay ku biireen ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan magaaladaas.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalkan uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan-yahay.

Dhinaca kale saraakiil ka tirsan ciidamada Koonfur Galbeed oo la hadlay waraabhinta ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday, sidoo kalena ay khasaare lixaad-leh agaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarka qaaday.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa dagaalka kadib sidoo kale howl-gallo ballaaran ka sameeyey agagaarka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qeybo badan oo ka tirsan gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla gobollada Baay iyo Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here