Duqa magaalada Muqdisho oo furay waddo u xirneyd arrimo amni

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa howla kormeer ah ku sameeyay dhismaha Wadada dheer ee degmada Deyniile oo meel wanaagsan mareysa.

Dhismaha wadadan oo muhiim u ah isku socodka Caasimadda iyo dalxiiska deegaanka ayaa mas’uuliyiinta waxa ay ku sameeyeen kormeer socod ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu sheegay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay isku tashi iyo in Caasimadda la hormariyo.

Dhanka kale Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa maanta dib u furay waddada Isbitaalka xoogga oo muddooyinkii lasoo dhaafay u xirneyd sababo amni.

Bulshada Gobolka Banaadir ayaa horay uga codsatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in la furo waddadan oo isticmaalkeedu muhiim u ah isu socodka Magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale dib u furay goobaha Biya-mareenka ah oo ay dowlada hoose ee Xamar muddooyinkii u danbeyay ka wadday howlo dib u habeyn ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here