Faah faahino ka soo baxaya dagaal xalay ka dhacay magaalada Qardho

0

QARDHO (SMN) – Wararka laga helayo magaalada Qardho ayaa sheegaya in xalay dagaal culus uu ka dhacay magaaladaasi, kaas oo u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka Puntland.

Askar ka tirsan kuwa Daraawiishta ee Puntland ayaa la sheegay inay isku dayeen inay xoog kula baxaan hub ku xareysan xerada tababarka ciidamada Xorgoble, waxaana tallaabadaasi ka horyimid ciidamada Booliska oo dagaal la galay kuwa Daraawiishta.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, maadaama uu dhacay xilli habeen ah.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Puntland oo ka hadlay shaqaaqadaasi ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu dhigay 13 askari oo ka mid ah ciidanka weerarka qaaday, sidoo kalena haatan lagu raad joogo 7 askari oo ka baxsatay goobta uu dagaalku ka dhacay.

Si kastaba, xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Booliska ee Qardho oo howl-gallo ka bilaabay gudaha magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here