Faah-faahino ka soo baxaya dil qorsheysan oo ka dhacay Afgooye

0

AFGOOYE (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dila qorsheysan oo saaka ka dhacay xaafada Fayuuma oo ka tirsan degmada Afgooye Glgobolka Shabeelaha Hoose.

 

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fuliyeen kooxo hubeysan, waxaana loo geystay nin ka mid ahaa dadka deegaanka.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cabaas Cismaan Abshirow, waxaana la sheegay inuu ku shaqeysan jiray gawaarida nooca raaxada ah ee loo yaqaano Tax.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in taggii ka dambeeyay falkaasi ay goobta isaga baxsadeen, waxaana goor dambe gaaray ciidamo ma tirsan kuwa ammaanka ee degmadaasi.

Ma cadda illaa iyo hadda sababta ka dambeysa dilkan, waxaana soconaya baaritaano ay wadaan laamaha amniga.

Magaalada Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal ammaan darri oo u badan dilal qorsheysan iyo weeraro ay mararka qaar ku soo qaadaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here