Faah faahino ka soo baxaya dilka guddoomiyihii Xamarjajab

0

Guddoomiyihii Degmadda Xamarjajab, Maxamed Cabdi Xayle ayaa lagu dilay Weerar gaadmo ah, xilli uu sii galayay Gurigiisa oo ku yaalay Deegaanka Sarkuusta.

Afhayeenka ciidanka Booliska, Sadiiq Doodishe ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta dilka Gudoomiyaha, waxaana dilay Koox Bastoolado ku hubaysan oo watay Mooto Bajaaj.

Wararka ayaa sheegaya in raggii ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib, waxaana saraakiisha ammaanka Soomaaliya ay sheegeen inay wadaan baaritaano ku aadan dilkaasi.

Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayey falal ammaanka darri, sida dilal, qaraxyo iyo dhac xilliyada habeenkii ah loo geysto dadka shacabka ah ee ku qaan caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here