Madaxweyne Biixi oo war kasoo saarat colaadka ka taagan gobolka Sool

0

Madaxweynaha  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi,  waxa uu  baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay  Ceelka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun oo dhacda waqooyi barri ee gobolka Sool.

Dagaalkaas oo ka kacay Ceel-biyoodka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun, wakhtigan maaha macquul in la daadiyo dhiigga dadka muslinka ah, sidaa awgeed waxa aan ugu baaqayaa kuwa colaadda hurinaya inay ka waantoobaan oo ay u tudhaan dadkooda maatida ah ee aan waxba galabsan iyo aakhiradooda, iyadoo weliba lagu jiro bishii barakaysanayd ee Ramadaan oo ah bil cibaado.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu ugu baaqayaa waxgaradka, waayeelka, culimada iyo aqoonyahanka labada dhinac ee dirirtu dhexmarayso inay xasilooni ku soo dabbaalaan xaaladda, dhexdana u xidhaan sidii loo joojin lahaa khasaaraha uu sababay dagaalka beelaha walaalaha ah oo dhawaan uun muddo dheer ka dib heshiis ku gaadhay degaanka Adhi-cadeeye oo ay xubno ka mida golaha wasiiradu bilo u fadhiyeen sidii heshiis loo gaadhi lahaa, balse nasiib daro ay labadii beelood dib ugu dirireen ceel-biyood shalay.

Sideedaba colaad wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, madaxweynuhu wuxuu si adag u tilmaamayaa in aan loo dulqaadan Karin colaad sokeeye oo sidan u khasaare badan inay ku soo noq-noqoto deegaamada gobolka Sool,

Madaxweynuhu waxa uu ciidamada qaranka, maamulka gobolka iyo dhammaanba hay’adaha kala duwan ee xukuumadda amrayaa inay tallaabo dawladnimo ka qaadaan colaadaasi soo noq-noqotay, cid kasta oo u hoggaansami-wayda nabadda iyo samahana tallaabo ku habboon ka qaadaan.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabadda iyo samaha jecel u soo jeedinayaa inay gacan ka geysataan daminta colaadaasi iyo joojinta dhiig danbe oo ku daata dirirtaa.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku naf waayey dagaalkaasi, waxaanu u ducaynayaa intii ku dhaawacan tahay in Alle caafimaad ka siiyo waxyeelada ka soo gaadhay dagaalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here