Faah faahino ka soo baxaya iska hor imaad ka dhacay Muqdisho + khasaaraha

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa is-rasaaseyn u dhexeysay ciidamada amniga iyo rag hubeysan oo maanta ka dhacday degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in iska hor-imaadka oo ka dhacay xaafadda Ciise Cabdi lagu dilay labo nin oo la sheegay inay ahaayeen burcad dhac ka geysaneysay halkaasi.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan dhacdadaasi, balse waxa ay innoo xaqiijiyeen toogashada raggaasi.

Dayniile ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo u badan dilal qorsheysan iyo dhac ay xilliyada habeenkii ah rag hubeysan ka geystaan degmadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here