Faah-faahino ka soo baxaya qarax miino oo ka dhacay duleedka Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay qaybo kamid ah deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

 

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in la dhigay meel u dhow goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Boolis Milataaro ee ka howlgala halkaasi.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxan, balse waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo haatan howlgallo ka wada deegaanka Ceelasha Biyaha.

Inta badan weeraro qaraxyo ah ayaa ka dhaca waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, kuwaas oo lala eegto ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka ATMIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here