Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed iyo ciidanka Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Baay.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhigyo ciidamada huwanta ay ku leeyihiin deegaanka Deynuunaay oo hoostaga magaalada Baydhabo.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalka oo saacado badan qaatay la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba-leh.

Saraakiil ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaadeen inay ka hortageen weerarka lagu soo qaaday, isla-markaana ay khasaare xoogan gaarsiiyeen dagaalyahanadii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa dhankooda guullo ka sheegtay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey, waxaana ay shaaciyeen inay la wareegeen saldhigyo ciidan oo ku yaalla halkaasi, sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here