Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

0

KISMAAYO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada daraawiishta maamulka Jubbaland iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay qeybo ka kid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid, ka gadaal markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisin ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow ee gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka, kadib uu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in iska hor imaadka uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinac dagaalamay iyo dad kale oo shacab ah.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinaca ee diriray, kuna aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaanadeegaanka Kulbiyow ka jira dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda oo ay wadaan Al-Shabaab iyo ciidanka daraawiishta Jubbaland.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla gobollada Jubbooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here