Soomaaliya oo shir caalami ah uga qeyb-gashay wadanka Masar

0

MUQDISHO (SMN) – Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaaladda Sharma Sheikh ee dalka Masar uga qeyb galay shirka Caalamiga ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

Shirkaan oo ahaa midkii sagaalaad ee ay isugu yimaadaan dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ee la dagaalanka Musuq Maasuqa ayaa Soomaaliya waxay u ahayd markii ugu horeysay oo ay ka qeyb gasho kedib markii bilooyin ka hor la magacaabay guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa oo ay yeelato Soomaaliya tan iyo burburkii dowaddii dhexe.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa, Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud ayaa intii uu shirka socday waxa uu kulamo doceedyo la yeeshay qaar kamid ah madaxdii shirka.

Guud ahaan caalamka  ayaa laga xusaa Todobaadka Caalamiga ah ee La dagaallanka Musuqmaasuqa waxaana markan la xusayaa iyadoo u jeedadu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa wacyigalin ku saabsan arrimaha musuqmaasuqa iyo ka hortaggiisa.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here