Faah-faahino kasoo baxaya dagaal mar kale ka dhacay degmada Qoryooley

0

QORYOOLEY (SMN) – Wararka laga helayo degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhexeeyay labo maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi.

 

Dhinacyada ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kuwaasi oo laga maqlayay deegaanada ku dhow dhow Qoryooley.

Sidoo kale waxaa jira khasaare leh dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac iyo dadka maatida ah ee lagu kor dagaalamay.

Xaalada ayaa ah mid adag iyadoo dagaalku uu hakad galiyay isu socodka dadka, ganacsiga iyo waxbarashadii degmada.

Dhinaca kale qoysaska qaar ayaa bilaabay in ay ka barakacaan guryohooda, kuwaasi oo beegsanayay deegaanada nabadaa ah ee dhaca Gobolka.

Dagaalkan ayaa salka ku haya dhowr arimoid oo la xiriira is qab qabsi maamul, mid deegaan iyo aanooyin qabiil oo horay u jiray halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here