Midowga Yurub oo ansixiyay malaayiin loogu talagalay ciidanka Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Midowga Yurub ayaa sheegay in ay ansixiyeen lacag dhan 116.9 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah oo loogu talagalay dadaallada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, isla markaana lagu xasilinayo Soomaaliya.

 

Lacagahan oo ay ansixiyeen Guddiga Siyaasadda iyo Amniga ee Golaha Midowga Yurub Talaadadii, ayaa lagu taageerayaa hannaanka kala guurka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay mas’uuliyada amniga ugala wareegayaan bisha December ee sanadkan askarta Midowga Afrika oo wadanka ka baxaya.

Sannadkii 2023-kii, ATMIS waxay billowday inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, iyadoo u hoggaansantay qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadkii 2022, kaasoo ku baaqaya in lasoo afjaro howlgalka mudada 17ka sano socday.

ATMIS ayaa soo gabagabeysay wajigii koowaad iyo labaad ee dhimista ciidamo gaaraya 5,000 oo askari, waxayna 13 saldhig oo ciidan ku wareejisay ciidamada Soomaaliya.

4,000 oo askari oo dheeri ah ayaa la filayaa in laga saaro dalka dhamaadka bisha June ee sanadkan.

Midowga Yurub ayaa bixiya qarashaadka howlalka ATMIS, waxaana uga baxday ku dhawaad 2.87 bilyan oo doolar tan iyo 2007.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here