Faah-faahino kasoo baxaya dil ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Axmed Nuur Tooxoow oo shalay u tacsiyeynayey xubno ka tirsanaa qaraabadiisa oo ku dhintay qaraxii Hormuud ayaa galabta la toogtay isagoo ka soo laabtay aaskooda.

 

Axmed Nuur Tooxoow oo ahaa aqoonyahan da’yar ah ayey eheladiisu goordhow inoo xaqiijiyeen in uu Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda ku dilay Deegaanka Daarusalaam isagoo ka soo laabtay aaska marxuumiintii u shaqeynayey Shirkadda Hormuud.

Lama oga sababta keentay dilka, hasa’ahaatee waxaa Muqdisho ku badan dilal noocaan oo kale ah ee loo geysanayo dhalinyarada.

Booliska oo war kasoo saaray dhacdadan ayaa sheegay.in eedeysanaha dilka gaystay lasoo qabtay kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada Booliska ee degmada Dayniile.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here