Sawirro: Madaxweynaha HirShabelle oo kulamo ka wada magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) –  Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa maanta kulan la qaatay Hay’adda Cunada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobe ee (FAO) waxana shirkaas goobjoog ahaa Wasiirka Wasaarrada Beeraha ee Dowladda Federalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir iyo Wasiirka Wasaarrada Beeraha Dowladda Hirshabeelle Maxamed Faarax Cali.

 

Shirkan ayaa diirrada lagu saaray dhammeystirka mashaariicdii horay u socotay, bilaabida mashaariic cusub iyo qaabteynta howlaha labada dhinac hor-tebinta u leh.

“Hirshabeelle waxa ay diyaar u tahay wax walba oo dhankeeda ah, si loo qabto howl-hufan oo labada dhinac taariikh u sameyso.”

Ugu dambeyn madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ka mahadceliyay dadaalka FAO ay ku bixineyso deeganada Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here