Mareykanka oo shaaciyey inuu xoojinayo taageerada Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa sheegay inay dawladda Maraykanka ka go’an tahay inay taageeraan dib usoo noolaynta Soomaaliya deggan, nabad ah, islamarkaana dimoqraadi ah.

Safiirka ayaa sheegay in Maraykanku yahay deeq bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya ka gargaara dhinacyada bani’aadminnimada, amniga iyo horumarinta.

Danjire Larry André waxaa kale oo uu sheegay inay ka go’an tahay taageerista xorriyadda saxaafadda guud ahana caalamka. wuxuu intaasi ku daray in suxufiyiinta oo la siiyo tababar, iyo in la difaaco xuquuqda hadalka ee Soomaaliya inay ka mid tahay waxyaabaha safka hore ku jira ee ay mudnaanta siinayaan.

Danjiraha ayaa 7-dii bishii Febraayo ee aynu soo dhaafnay waraaqihiisa dnajirennimo u gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Aqalka Senate-ka Maraykanka ayaa 18-kii December ansixiyay in Larry Edward André, Jr. uu noqdo safiirka Maraykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna beddelay danjire Donald Yamamoto oo xilkaasi hayay tan iyo bishii October ee 2018-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here