Faah-faahino kasoo baxaya duqeymo culus oo ka dhacay gobolka Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka diyaarado dagaal ay duqeymo ka gaysteen qaybo ka mid ah gobolkaas oo hoostaga Galmudug.

 

Diyaaradaha ayaa duqeeyay deegaanka Cali Halye oo ka tirsan gobolka Galgaduud, isla-markaana u dhow xadka ay wadaagaan gobolkaas iyo Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsaday goob ay isku uruursanayeen xubnaha Al-Shabaab, balse ma cadda khasaaraha kasoo gaaray weerarkaasi.

Sidoo kale diyaarado ku socda joog hoose ayaa saaka lagu arkay inta u dhexeysa deegaanka Ceelhareeri illaa Kalabeyr oo u dhow magaalooyinka Galcad iyo Masagawaay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxayna duqeymahan ay cabsi xoogan ku beereen dadka deegaanka, maadaama ay horay waxyeelo uga soo gaartay duqeymahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here