Dowladda Sweden oo danjire cusub u soo magacowday Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sweden u fadhiyi doona dalkeenna Amb. Joachim waern oo baddelaya danjirahoodii hore ee dalkeenna u joogay.

 

Wasiirka iyo Danjiraha cusub ayaa ka wada hadlay sii wadidda iyo adkaynta xiriirka dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Sweden oo ku dhisan iskaashi, is-qadarin iyo wax wada qabsi.

Waddanka Sweden wuxuu ka mid yahay waddamada ay ku nool yihiin oo marti geliyey mid ka mid ah Jaaliyadaha qurba joogta Soomaaliyeed ee ugu ballaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here