SoDMA oo qabatay shir ku saabsan dardar-gelinta howlaha gurmadka

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Muqdisho ku qabatay shir Seddexdii biloodba mar dhaca, kaas oo looga hadlaayay dardar gelinta howlaha la xariira gurmadka deg-degga ah.

 

Shirkan waxaa si gaar ah loogu lafa guray sidii la iskaga kaashan lahaa gurmadka deg degga ah iyo isku-duwidda dhammaan howlaha la xariira gurmadka deg degga ah.

Shirkan ayaa loogu tala galay xoojinta wada shaqeynta Hay’addaha kala duwan ee dowladda iyo Hey’adaha ay shaqo wadaagta yihiin, waxaana maal galiyay Hay’adda UNICEF.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here