Iska hor imaad khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Guriceel

0

GURICEEL (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad duhurnimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Guriceel oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Is-rasaaseynta ayaa waxa ay u dhexeysay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, gaar gaan talisyada Booliska iyo Gorgor, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan xogta ku helnay dagaalka ayaa yimid, ka gadaal markii uu isfaham waa ka dhashay askar ka tirsan ciidamadda Gorgor oo ka mid noqday dad ay shalay xireen ciidanka Booliska ee ka howl-gala magaalada Guriceel, iyada oo lagu eedeeyey amni darro.

Inta la xaqiijiyey waxaa shaqaaqadan ku dhintay ugu yaraan laba askari, halka ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale, isla-markaana uu mid ka mid ah yahay shacab.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dagaalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here