Wasiirka Gaashaandhigga oo digniin culus u diray ciidamada dowladda

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa mar kale ciidamada uga digay inay ku milmaan ama loo adeegsado siyaasadda, isagoo askarigii lagu helo kiis noocaas ah ugu goodiyey in sharciga la hor geyn doono.

Wasiirka ayaa faray dhammaan ciidamada qalabka sida inay ku ekaadaan waajibaadka ka saaran amniga guud ee dalka.

“Iyadoo la dhowrayo shuruucda dalka, waxaan mar labaad ciidamada xooga dalka farayaa inay ku ekaadaan waajibaadkooda qaran, ayna ka fogaadaan inay ku milmaan ama loo adeegsado siyaasadda. Cidii ay ku cadaato waxaa laga qaadi doonaa tallaabo waafaqsan shuruucda dalka,” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan ay dalka ka taagan tahay xiisad xoogan oo u dhexeyso madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo isku qabtay arrimaha doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here