Faah faahino kasoo baxaya iska hor imaad ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad u dhexeeyey askar ka wada tirsan ciidamada dowladda oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Shaqaaqada ayaa si gaar ah uga dhacday degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kadib markii ciidamadaas ay isku qabteen guri ku yaalla xaafadda Tarabuush ee degmadaasi.

Ugu yaraan hal askari ay ku dhintay israsaaseyntan, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Askariga geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ee diriray ayaa ah qaraabo dhow, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta lagu dagaalamay tegay ciidamada ammaanka iyo mas’uuliyiin ka socda maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here