Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) -Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho .

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka Ceelqalow oo ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa sheegay in goobta qaraxa uu ka dhacay ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa qaada lacagaha canshuuraha ee dowladda Hoose.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxan ay ku dhaawacmeen ugu yaraan illaa saddex askari oo ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Si kastaba, qaraxan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here