Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay Buurhakaba + khasaaraha

0

BUURHAKABA (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ee koonfurta wadanka Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay qarax miino lala eegtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Buurhakaba, xilli ay ku socdaalayeen qeybo ka mid ah degmadaasi.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haleelay baabuur ay la socdeen mas’uuliyiintaasi, waxaana ka dhashay khasaare u badan dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in dadka dhaawacmay ay ka mid yihiin guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Buurhakaba Nuurow Ibraahim, taliyaha NISA ee degmadaas oo lagu magacaabo Xuseen Dhuubow iyo askar kale oo la socotay mas’uuliyiintaasi la weeraray.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in goobta uu qaraxu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed oo dhaawacyada ka soo qaaday halkaasi.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro dhaba gal ah iyo qaraxyo ku qaaday kolonyada ay la socdaan mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed iyo kuwa ciidamada ee ku sugan Baay iyo Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here