Wararkii ugu dambeeyey dib u dhaca ku yimid shirka madax goboleedyada

0

GAROOWE (SMN) – Dib u dhac ayaa lagu soo warramayaa inuu ku yimid shirka wada-tashiga madax goboleedyada oo lagu waday inuu beri ka furmo magaalada Garoowe.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) uu soo jeediyey in la ballaariyo shirka, dibna loo dhigo, si uu ugu biiro ra’iisul wasaaraha.

Qoor Qoor iyo Rooble ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyaga oo heshiis uga gaaray xorguf siyaasadeed oo u dhexeysay maalmihii lasoo dhaafay.

Shirka Garoowe ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladaha soo kordhay ee dalka, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ee ka taagan Villa Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here